Published On: Fri, Dec 2nd, 2016

Puntland oo ka digtay in la furo Kalfadhiga Baarlamaanka

camey-238x178

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee ka socda Dalka.

Waxa uu sheegay kooramka xildhibaanada in uusan xalaal noqon doonin ilaa ay ka soo dhameystirmaan xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose oo hada ay socoto Doorashadooda.

C/xakiin (Camey) ayaa waxa uu sheegay marka ay xalaal noqonayaan in ay tahay waqtiga ay soo dhameystirmaan labada xubnood, isagoo sidoo kale sheegay da dejinta Doorashooyinka in dano gaar ah laga leeyahay.

Dhinaca kale C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay muhiim in ay tahay in la joojiyo ficilada aan loo baahneyn in la sameeyo.

Waxa uu sheegay shaqsiyaad gaar ah in ay wadaan arrimo ka baxsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen Madasha Qaran, taasina mar walba uusan aqbali doonin Maamulka Puntland.

Dhowaan ayay aheyd markii Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ay sheegeen in la helay kooramkii uu ku furmi lahaa kulanka xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300