Published On: Fri, Dec 2nd, 2016

Kenya oo ka digtay weerarada Shabaab

kenya-238x178

Taliyaha Booliska Dalka Kenya Joseph Boinet ayaa waxa uu sheegay in ay ka war heleen weeraro Shabaabka ay la damacsan yihiin Dalka kenya.

Waxa uu sheegay in ay ka digtoon yihiin weeraro Shabaab ka yimaada, sidoo kalena aad la isugu diyaariyay gudaha Dalka Kenya.

Joseph Boinet Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Kenya ayaa hadalkan sheegay kadib markii dhowaan guryo ku yaalla Magaalada Gaarisa lagu qabtay Walxaha Qarxa.

Gudoomiyaha Nabadgelyada Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya Maxamuud Saalax ayaa waxa uu sheegay in la joogo waqtigii Shabaabka ay weeraro ku soo qaadi lahaayeen wadanka, maadaama la joogo xilli roobaadka.

Waxa uu sheegay Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari in ay geeyeen xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, si looga hortago weerarada Shabaab.

Shabaab ayaa horey ugu goodiyay in ay weeraro ka geysan doonaan gudaha Dalka Kenya, gaar ahaan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka Kenya, ilaa Ciidanka Kenya ay isaga baxayaan Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300