Published On: Fri, Dec 2nd, 2016

Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka oo diidey natiijada doorashada Cadaado

guddiga_doorashada
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku shaaciyay in aan Guddiga Doorashada heer Federaal aysan aqbali doonin natiijada ka soo baxday Doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado oo uu ku guuleystey Axmed Abtidoon.

Kursigan oo la sheegay in ay lahaayeen Qoondada Haweenka ayaa waxaa ku tartamay labo rag ah iyo dumar iyadoo uu ku guuleystey Musharax Maxamed Axmed Abtidoon, waxaase la filayaa in ay ku tartamaan haween.

Guddiga Doorashada heer federaal ayaa sidan oo kale ka soo saaray diidmo la mid ah tan ay ka soo saareen Doorashada ka dhacday Cadaado, taas oo iyana ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xaruunta Maamul-goboleedka Hirshabeelle.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300