Published On: Thu, Dec 1st, 2016

Warar ku saabsan Degaanka Gambar-laawe

wararku-saabsan

Degaanka Gambar-laawe oo dhanka Koonfureed ka xiga Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan shalay waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo koox Isbaaro dhiganeysay.

Dagaalkan oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa ku dhimatay 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, halka kooxda Isbaarada u tiilay uu ka dhintay 1 Qof.

Xaalada goobtii shalay lagu dagaalamay ayaa hada waxa ay tahay mid degan, waxaana kooxdii jidgooyada dhigatay ay isaga carareen goobtii lagu dagaalamay.

Wariyaha Risaala ee ku sugan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in saakay xaaladu ay tahay mid degan, sidoo kalena Ciidanka Dowladda Federaalka ay halkaasi ka wadaan Howlgallo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300