Published On: Thu, Dec 1st, 2016

Soomaali xukunka laga qafiifiyay

sssssss

Maxkamad ku taalla Dalka Mareykanka ayaa xukunka ka qafiifisay Wiil Soomaali-Mareykan ah oo dhowaan lagu xukumay Mareykanka, kadib markii lagu eedeeyay in xiriir la lahaa kooxda Daacish.

Wiilka Soomaaliga ah ee la xukumay ayaa waxaa lagu magacaabaa Hamza Mohamed, waxaana lagu xukumay 15-sano oo xarig ah.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa markale waxaa la horkeenay Maxkamadda Minnesota, waxaana dib u eegis lagu sameeyay xukunkii horey loogu riday.

Garsooraha Maxkamadda Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in Eedeysane Hamza Mohamed xukunkiisa lagu soo koobay 10-sano, sidoo kalena dib u eegis lagu sameeyay xukunkii horey loogu riday.

Hamza Mohamed ayaa waxa uu ka mid ahaa 6 Dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas Bishii November ee sandkan lagu riday xukuno kala duwan, waxaana lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300