Published On: Thu, Dec 1st, 2016

Faadumo Dayib oo si lama filaan ah uga hartay tartanka Doorashada Madaxweynaha

fdayib
Haweeneydan Faadumo Dayib oo markii horeba musharaxnimadeeda ay ku taagneyd saxaafadda dibadda ayaa Wargeyska Washington Post u sheegay iyadoo Nairobi joogta inay si weyn uga naxday go’aankii dib loogu dhigay doorashada iyo heerka ay gaarsiisan tahay musuqmaasuqa Doorashada Soomaaliya Faadumo Dayib.

Waxay sheegtay inaysan ka qeyb geli doonin doorashada, heerka musuqa uu gaaray ayay caddeysay inuu gaaray wax laga naxo iyaduna aysan dooneyn inay sharciyeyso doorasho ku timid musuq.

Faadumo Dayib oo hore u sheegatay inay tahay haweeneydii ugu horeysay ee xil madaxweyne u tartanta ayaa lagu qabsaday arrintan iyadoo sanadkii 2004 ay tartanka madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Kenya soo gashay Caasha Axmed Cabdalla.

Dad badan ayaa u arkayay musharaxnimda Faadumo Dayib inay tahay mid ku kooban warbaahinta iyo baraha bulshada, iyadoo aan wax tallaabo ay u qaadin inay noqoto musharax dhab ah

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300