Published On: Thu, Dec 1st, 2016

Cabsi soo wajahday Soomaalida Ohio

banaanbax
Gobolka Ohio Todobaadakan waxaa ka dhacay weerar wiil Soomaali ah uu ku qaaday Jaamacadda Ohio ee Dalka Mareykanka, waxaana uu halkaasi ku dhaawacay ku dhowaad 10 Qof.

Weerarkaasi kadib ayaa waxaa cabsi fara badan ay soo wajahday soomaalida ku nool Dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa Gobolka Ohio, iyagoo ka cabsi qaba in dhibaato ay u geystaan Dadka aadka u neceb Soomaalida iyo Muslimiinta.

Soomaalida ku nool Mareykanka oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in cabsi iyo wal wal fara badan uu la soo dersay, sidoo kalena mar walba ay ku joogaan Dareen gaar ah, waxaana ay codsadeen in arrintan wax laga qabto.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump uu sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee dhowrka qof ku dhaacaway jaamacada Ohio ka hor inta aan isaga la toogan uu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu markii horaba dalka sii joogo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300