Published On: Wed, Nov 30th, 2016

Uganda: Xasilooni ku soo noqotay magaalada Kasese

ugaanda

Noloshii ayaa si caadi ku soo noqonaysa magaalada galbeedka dalka Uganda ku taal ee Kasese ka dib markii dabayaaqadii todobaadkii hore ay ciidamada dowladda isku dhaceen ilaalada qasriga boqortooyo dhaqameedka Rewenzuru.

Wadooyinka magaalada Kesese ayaa la moodaa inay dib u camirmeen oo waxa furan tukaamadii dadkuna nolol maalmeedkoodii caadiga ahayd ayay iska wataan.

Laakiin weli waxa magaalada iyo buuraha ku hareeraysan ba gaaf wareegaya milatari iyo boolis.

Dowladdu waxay ku andacoonaysaa in ay jiraan kooxo uu abaabulay, tababaray oo uu hubeeyay boqorka gobolka Rewenzuru, Charles Mumbere, oo ah hogaamiye dhaqameedka qabiilka Bokonzo oo ay u dagaalamayaan in ay ka goostaan dalka Uganda intiisa kale.

Taliyaha qaybta milatariga ee gobolkaas, Brigadier Peter Elwelu, oo hogaaminayey howlgalkii sabtidii la qaaday ayaa sheegay in kooxahaa mitidiinta ahi ay sidoo kale xidhiidh la leeyihiin fallaago la garanayo.

Wasiirka arimaha gudaha, Jeje Odongo, oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladdu si aan gabbasho lahayn uga hortagi doonto cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal geliyaan dadka ku dhaqan gobolka Rewnzori.

Haseyeeshee wasiirka warfaafinta ee boqortooyadaas, Clarence Bwambale, ayaa BBC-da u sheegay in boqortooyo dhaqameedku aanay xidhiidh la lahayn koox hubaysan iyo cid kale toona oo u dagaalamaysa in ay ka go’aan jamhuuriyadda.

Boqor Mumbere oo ilaa axaddii ku jiray saldhig boolis ayaa salaasadii la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Jinja ee bariga dalka ku taa waxaana lagu soo oogay dilka askari boolis ah oo sannadkan horaantiisii la dilay.

Mudooyinkii la soo dhaafay waxa ka jiray gobolka Rwenzori oo xad la leh bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga ahee Koongo xiisado soo noqnoqday. Sanadkii 2014 kii ayaa koox hubaysani weerareen saldhigyo boolis iyo xeryo ciidan oo gobolkaa ku yaal waxaanay ku dileen askar qoryana way ka furteen. Doorashooyinkii guud ee bishii February ee sannadkana xiisado ayaa mar kale ka bilaabmay gobolka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300