Published On: Wed, Nov 30th, 2016

Shabaab oo hawada ka saaray Isgaarsiinta Xarardheere iyo Dumaaye

isgaarsiinta

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab ay hawada ka saareen Isgaarsiinta ka shaqeynaysay Degmada Xarardheere iyo Deeganada hoostagga.

Muddooyinkii dambe waxaa dagaalo ay ka dhacayeen deeganada kala ah Dumaaye iyo Dabagale oo ka tirsan Gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dagaalamayeen ciidamada Ururka Al Shabaab iyo dadka Deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya ciidamada Shabaab shalay duhur inay hawada ka saareen Isgaarsiinta si aanan macluumaad rasmi ah looga helin xaalada Deegaanka Dumaaye oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Xoogaga Shabaab ayaa gubay guryo gaar ah oo ku yaala deegaanka Dumaaye oo ay leeyihiin Ehelada dadkii kula dagaalamay deegaankaasi, waxaana la sheegayaa in dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya Dabagale iyo Dumaaye ay ka baadigoobayaan dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee ay la dagaalameen.

Maamulka Galmudug ayaa maalin ka hor waxa ay sheegeen ciidamo gurmad ah inay u dirayaan deegaanka Dumaaye si ay u caawiyaan Dadka deegaanka ee Shabaab kula dagaalamaya halkaasi.

Taleefoonada gacanta ayaanan shaqeynayn deeganada Dumaaye, Dabagale iyo Degmada Xarardheere, taasi oo sabab u tahay in Shabaabka ay damiyeen Isgaarsiinta.

Shabaab ayaa dadka ku qasbaya inay bixiyaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaad bil kasta dadka ay ka qaadaan xoolo, waxaana lacagaha ka soo xarooda ay ku galaan dagaalka ay Somaliya ka wadaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300