Published On: Wed, Nov 30th, 2016

Iran oo lagu eedeeyay hubka ay siiso Xuutiyiinta Yemen inay Somaliya u marsiiso

ira

Hay’ad amniga iyo hubeynta baaris ku sameysa oo uu fadhigeedu yahay Dalka Ingiriiska ayaa Dowladda Iran ku eedeeysay in ay si dadban u hubeyso  Xuutiyiinta dalka Yemen iyada oo hubkaasi u marsiineysa Somaliya.

Dowladaha Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa horay Iran ugu eedeeyay in ay hubeyso  Xuutiyiinta Yemen inkasta oo ay Iran arrintaasi beenisay.

Hay’adda CAR,waxaa ay sheegeysaa in Dowladda Iran ay hub fara badan ku wareejisay Xuutiyiinta Yemen iyada oo Hubkaasi marsiisay Somaliya.

Warbixintan ayaa la ogaaday kadib markii mid ka mid ah Maraakiibta Xeebaha Somaliya ay gacanta ku dhigeen Markab uu saaran yahay Hub fara badan kaas oo  la tuhmayo in uu hubkaasi ku dejinayay Somaliya kadibna loo gudbinayay Xuutiyiinta Yemen.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Ganacsato Somali ah oo suuqa madow Hubka ugu ganacsada ay Hubkaasi u gudbinayaan Yemen iyaga oo ka qaadayo xeebaha Maamulka Puntland ee Waqooyi Bari Somaliya.

Hubka la qabtay waxaa uu tiro ahaan ka badan yahay  2,000 oo xabo kaas oo isugu jira noocyada fudud iyo kuwa culus waxaana ka mid ah 100 Gantaal oo ah nooca ay sameyso Iran.

Waxaa  kale oo ku jira 64 Qoryaha Shiishka ee Hoshdar –M, oo ah kuwa ay sameyso Iran,islamarkaana ku socday Xuutiyiinta Dalka Yemen ka dagaallamaya hadda.

Qoryaha waxaa kale oo ka mid ah kuwa darandooriga u dhaca iyo rasaas ay sameyso Dowladda Waqooyiga Kuuriya oo Iran ay siyaasad ahaan iska ag dhaw yihiin,waxaana warbixintan ay taageereysaa walaaca Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka qabaan colaadda Yemen in ay dhinac ka tahay Iran.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300