Published On: Wed, Nov 30th, 2016

Daacish oo sheegatay Weerar uu geystay Wiil Soomaaliyeed

daacish

Kooxda Daacish ayaa war kasoo saartay Weerarkii Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali Carte uu ku qaaday Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka.

Daacish ayaa sheegtay in Cabdirisaaq uu ahaa 18 sano jir qaxootinimo ku galay dalka Mareykanka, asagoo ka tirsan ciidankooda.

Daacish ayaa sheegtay in Cabdirisaaq uu ka xumaaday dhibaatada Madaxda Mareykanka ay ku hayaan dadka Islaamka ah  ee kunool dalka Mareykanka.

Kooxda Daacish ayaa sidoo kale xustay In Cabdirisaaq marka uu tagayay dalka Mareykanka uu ka mid ahaa ciidankooda.

Boliiska ayaa baaritaan ku samaynaya in weerarkii Jaamacadda Ohio ee 11 qof ay ku dhaawacantay in uu la xiriiray argagixiso.

Cabdirsaaq Cali Cartan oo 18 sano jir ah ayaa baabuurkiisa ku dhuftay dad taaganaa jaamacadda horteeda, kadibna ku weeraray mindi, ka hor inta boliiska aysan toogan Isniintii.

Wiilkaan ayaa sidoo kale ahaa arday waxkabarta Jaamacada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300