Published On: Wed, Nov 30th, 2016

Ciidamada Kenya oo qarax lagula eegtay wadada xiriirisa Ceelwaaq iyo Mandhera

keya-and-mandhera-or-ceelwaa

Qarax noociisa uu yahay miinada dhulka lagu aaso, ayaa lala eegtay Kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ka baxay Degmada Ceelwaaq ee dhanka xuduuda Kenya xigta, kuna sii jeeday Magaalada Mandhera.

Kolonyada Ciidamada Kenya ayaa Qaraxan waxaa lagula beegsaday waddada xiriirisa Ceelwaaq iyo Dabacity ee Magaalada Mandeera, iyagoo wehlinaya gaadiid ay la socdeen Dad shacab ah.

Job Boronjo oo ah Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Mandhera ee dalka Kenya oo u waramay Saxaafadda, ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka badbaadeen ciidamada oo uusan wax Khasaare ah ka soo gaarin.

Taliye Job Boronjo ayaa carabka ku adkeeyay in Kolonyada Ciidamada uu dul-maray Qaraxaasi, waxuuna tilmaamay in Xoogaga Al Shabaab ay doonayeen in ay weerar gaadmo ah soo qaadaan qaraxa kadib.

Todobaad ka hor, Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday Gaadiid Dagaal oo ay la soceen Ciidamada Kenya oo marayay Xadka kala qeybiya dalalka Somaliya iyo Kenya.

Ugu dambeyn, Al Shabaab ayaa inta badan weeraro kala duwan oo dhiig ku daata ka fuliya qeybo ka mid ah Gobolada Waqooyi bari ee Dalka Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300