Published On: Wed, Nov 30th, 2016

Caalamka oo ka baqaya in xasuuq weyn uu ka dhoco Xalab

xalab

Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa waxa uu yeelanayaa kullan degdeg ah oo ku saabsan dhibaatada haysata kumannaan qof oo shacab ah oo ku xayiran Xalab.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa ayadoo ciidamada dowladda Suuriya iyo xulafadooda ay ku sii socdaan cirifka deegaanada mucaaradka ay maamulaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jean-Marc Ayrault, wuxuu sheegay in Faransiiska iyo xulafadooda aysan ka aamusnaan dooni dhibaatada Xalab.

Wuxuu tilmaamay inaysan indha ka qabsaneyn in saadaashu ay ahaato in Xalab uu ka dhoco mid ka mid ah xasuuqii ugu ballaarnaa dunida tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.

In kabadan 20 kun oo qof ayaa ka qaxay dagaalka hadda socdo.

Shaqaalaha gurmadka waxay sheegayaan in shacabka ku haray goobaha ay mucaaradka maamulaan aysan haysan cisbitaallo, cuntadana ay gabaabsi ka tahay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300