Published On: Tue, Nov 29th, 2016

Shiinaha oo lacag ugu deeqay ciidanka AMISOM

shiinaha

Dowladda Shiinaha ayaa lacag ugu deeqday ciidanka Midowga Afrika ee ka howgala gudaha Soomaaliya ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano AMISOM.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay muhiinm tahay in la taageero ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM  ee howgalka ka wadda Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa ugu deeqday $ 1.2 Million  oo dollar Ciidanka AMISOM, Waxaana lacagtaasi loogu tala galay  qalabeynta iyo tababarada ciidanka AMISOM.

Ismail Chergui oo ah Guddoomiyaha  Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay dowladda Shiinaha ay ugu deeqday lacag dhan 1.2 Million oo dollar oo loogu tala galay in lagu hormariyo ciidanka Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Dowladda China ayaa sidoo kale sheegtay in ay taageerayso dadaalada Nabada loogu raadinaayo Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ayaa maalinba maalinta ka dambeeysa la kulmaya weeraro ka imaanaya Xarakada Al-Shabaab  ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300