Published On: Tue, Nov 29th, 2016

Qarax lala eegtay Ciidanka Puntland

breaking news
Wararka ka imaanaya buuralayda Galgala ee Koonfurta Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi uu qarax ka dhacay kaasi oo lala beegsaday Ciidamada Badda ee Puntland.Qaraxan ayaa la sheegay inuu beegsaday baabuur ay Ciidankaasi la socdeen, waxaana la sheegayaa inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah.

Buuralayada Galgala ayey ku dagaalamaan Ciidamada amniga ee Puntland iyo Al-Shabaab.
Hawlgallo Milatari oo sannadkii hore ay sameeyeen Ciidamada Puntland ayaa goobo ka mid ah buuralayda Galgala looga qabsaday Al-Shabaab

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhinaca kale Ciidamada Puntland ay kusii siqayaan Magaalada Qandala oo bishii hore ay qabsadeen koox taanbacsan Daacish.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300