Published On: Mon, Nov 28th, 2016

Xubnaha maanta lagu doortey magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar.

doorasho

Magaalada Cadaado maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Galmudug.

Doorashadan maanta dhacday ayaa waxaa lagu doortay oo keliya Labo xubnood, kadib markii ay la tartameen Musharaxiin kale, oo ay ka guuleysteen.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku soo baxay Axmed Macalin Fiqi oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii soo maray dalka.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, ayaa helay Codadka Ergo gaaraysa 45 Ergo, taasi oo muujinaysa in uu xaqiijiyay Xubinnimada Kursiga Baarlamaanka ee Beeshiisa.

Dhanka kale Kursiga Labaad waxaa ku soo baxday Ubax Tahliil Warsame, oo markale noqotay Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, kadib markii ay ka guuleysatay Musharaxiintii ay la tartameysay.
Doorashadan oo aheyd mid xiiso badan ayaa Ubax Tahliil Warsame oo heshay 32 cod waxa ay kaga guulesysatay Musharaxiinta kala ah Maymuun Cali Nuur (Gaafane) iyo Sahra Daahir Diiriye.

Doorashada ka Socota Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa meel gabogabo ah mareysa waxaana la filayaa in dhawaan la soo gaba gabeeyo.
Dhinaca kale, Doorasho maanta ka dhacday Magalada Jowhar ayaa waxaa lagu doortay 2 xubnood oo keliya, maadaama Doorashada ay aheyd mid xiiso badan.

Xubnaha maanta la doortay ayaa waxa ay kala yihiin Aamino Maxamed Cabdi oo heshay 26 Cod iyo Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo helay 34 Cod, waxaana ay ka mid noqdeen xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka soo socda.
Haddaba wadarta guud ee illaa hada lagu soo doortay Magaalada Jowhar ayaa noqoneysa 26 xildhibaan iyadoo ay dhiman yihiin 11 xubnood oo lagu wado in la soo doorto maalmaha soo socda.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300