Published On: Mon, Nov 28th, 2016

Shirka Qorshaha Horumarinta Qaranka oo Muqdisho lagu qabtey.

muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta gudoomiyay kulan wada tashi ah oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

Shirka ayaa ku saabsanaa Qorshaha Horumarinta Qaranka, waxaana sidoo kale shirka ka qeyb galey wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Ceynte iyo xubno ka kale oo ka socday mamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.
Mudane Carte ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in maamul Goboleedyada lagala tashto Qorshaha Horumarinta Qaranka.

“Qorshaha Horumarinta Qaranka waa mid dalka oo idil loo sameeyay, waxa inaga galay wakhti, maal, fikir, iyo xooggeenna si looga midho-dhaliyo looguna guuleysto qorshe u sameynta dalka. Maanta waxa aan isugu nimid in aan u gogol-xaadhno dhameystirka iyo ansixinta QHQ. Sidaa darteed waa muhiim inaad talooyinkiina ku biirisaan si uu uga tarjuma baahida ka jirta dhammaan gobolada dalka’’.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Wasiirka Wasaradda Qorsheeynta Qaranka iyo Wasiirrada Wasaaradaha Qorsheynta ee maamul Goboleedyada, wuxuuna ku bogaadiyay wada shaqeeynta ka dhaxeysa

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300