Published On: Mon, Nov 28th, 2016

Galmudug oo sheegtay 26 Shabaab in lagu dilay dagaalka Dumaaye

shaaaaaaaaaaaaaa

Maamulka Galmudug ayaa sheegay 26 ruux oo Shabaab ka tirsan in lagu dilay dagaalka dadka deegaanka iyo ciidamada Shabaab ku dhexmaray Deegaanka Dumaaye oo ka tirsan Gobolka Mudug, hoostaggana Degmada Xarardheere.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur, ayaa maanta Saxaafadda wuxuu ugu sheegay Magaalada Cadaado in dagaalkaasi lagu dilay ciidamo Shabaab oo gaaraya 26 ruux, kuwaasi oo ka mid ahaa ciidankii dagaalka ku jiray.

Waxa uu sheegay dhinaca dadka deegaanka inay soo gaartay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena Al Shabaab ay gubeen guryo ay dadka leeyihiin.

Wasiirka Amniga Galmudug, ayaa fariin u diray Dowladda Federalka Somaliya iyo ciidamada Amisom, waxaana uu ugu baaqay inay door ka qaataan dagaalkaasi ka socda Deegaanka Dumaaye oo Shabaab ay dadka ku laynayaan.

Cismaan Ciise ayaa sheegay Maamulka Galmudug inay ciidamo u direen deegaanka Dumaaye si ay u caawiyaan Dadka deegaanka ee Al Shabaab la dagaalamaya.

“Khasaaraha ka soo gaaray nimankaa Khawaarijta Shabaab dhimashada waa 26 sida aan warka ku helayno, dadka deegaanka iyagana Khasaare ayaa soo gaaray barakac iyo guryo laga gubay.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Al Shabaab ayaa dadka deegaanka waxa ay ka doonayaan inay ka qaataan waxa ay ugu yeeraan Zakawaad, islamarkaana dadka deegaanka arintaasi si adag ayeey kaga soo horjeedaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300