Published On: Mon, Nov 28th, 2016

Dagaal u dhaxeeya Shabaab iyo dadka deegaanka oo ka socda Gobolka Mudug

breaking news

Wararka inaga soo gaaraya duleedka Deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Al Shabaab iyo dadka deegaanka.

Dagaalkaan oo ah mid aad u culus, ayaa wuxuu yimid, kadib markii Shabaab ay dadka deegaanka ku weerareen duleedka Deegaanka Dumaaye, xilli Shabaab shalay galab dagaal xoog leh ay kula wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Dumaaye.

Dagaalka ayaa hada wuxuu ka socdaa dhulka miyiga ah ee deegaanka Dumaaye, waxaana la sheegayaa Dadka Deegaanka oo is aruursaday inay iska caabinayaan Al Shabaab.

Muddooyinkii dambe dagaalkaan wuxuu ka taagnaa Deegaanka Dabagale, balse wuu ka soo gudbay waxaana uu ka socdaa Deegaanka Dumaaye, Dumaaye waxa ay u dhawdahay Degmada Jowle oo ka tirsan Gobolka Mudug, dhamaan waxa ay hoostagaan Degmada Xarardheere.

Al Shabaab ayaa dadka deegaanka waxa ay ka doonayaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaad, balse dadka deegaanka ayaa arintaasi ka soo horjeeda oo diidan inay bixiyaan Dalabka Shabaab.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay sameyn doonaan gurmad ay u fidiyaan dadka shacabka ah ee Shabaabka la dagaalamaya si ay isaga dulqaadaan dhibaatada Shabaabka dadka ku hayaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300