Published On: Sun, Nov 27th, 2016

Maamulka Hiiraan oo digniin u diray beelaha ku dagaalama duleedka Baledweyne

jeyte

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin adag u diray beelaha ku dagaalama duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cali jeyte Cusmaan ayaa sheegay in maamulka gobolka Hiiraan aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo bulshada kunool duleedka Baledweyne , islamarkaana dagaal dambe hadii uu halkaasi ka dhaco maamulka gobolka Hiiraan ay qaadi doonaan tilaabooyin Waafaqsan sharciga.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay dadka abaabulaaya dagaalka duleedka Baledweyne in maamulka gobolka Hiiraan ay la xisaabtami doonaan.

Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dhiiga wiilasha Soomaaliyeed lagu daadiyo meel aan ceel  la aheyn oo sabab la’aan dagaal uga socdo.

Shalay ayay aheyd markii maamulka Gobolka Hiiraan iyo sidoo kale ciidanka dowladda Jabuuti ee Hiilwalaal ay ku guuleysteen in ay kala qaadaan beelihii ku dagaalamayay duleedka Magaalada Baledweyne.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300