Published On: Sun, Nov 27th, 2016

Laamaha amniga oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

gaafow

Taliyaha Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Generaal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Hay’adda Nabada sugida iyo sidoo kale sirdoonka Qaranka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay si hufan ay ula shaqeeyaan laamaha amniga dowladda Soomaaliya si looga hortago weerarada ka dhacaya Muqdisho.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed qaarkood ay si weyn ula shaqeeyaan ciidanka Soomaaliyeed ,islamarkaana ay kusoo wargaliyaan falalka amniga lidiga ku ah ee ay ku arkaan Muqdisho. Waxaa uu xusay in dad badan oo falal amni daro geysan raba ay soo galeen Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300