Published On: Sun, Nov 27th, 2016

Cuba oo sagaal maalmood u barooraneysa Fidel Castro.

_92679273_8c054270-66c1-4287-9ca4-511eb24f8c24

Dalka Cuba waxaa ka billaabatay sagaal maalmood oo loo baroordiiqayo hogaamiyihii kacdoonka dalkaasi oo shalay geeriyooday. Fidel Castro ayaa ahaa 90 sano jir.

Dad badan oo reer Cuba ah ayaa u barooranaya geerida Fidel Castro, maadaama uu sanado badan ka hortagayay maamulka Washington inkastoo shirqoollo badan uu ka badbaaday.

Marka meydkiisa la gubo ka dib, waxaa haraaga la soo marin doonaa dhammaan dalkaasi Cuba.

Ka dib waxaa la dhigi doonaa magaalada Santiago afarta bisha December ee sanadkan.

Balse, mucaaradka Cuba ayaa ku faraxsan geeridiisa, waxayna u arkaan inuu ahaa keligii taliye.

Sidoo kale, qurba joogta Cuba ee ku nool magaalada Miami ee dalka Mareykanka ayaa dabaal degyo sameeyay.

Magaalada New York, madaxweynaha la doortay Donald Trump, ayaa Mr Castro ku tilmaamay keligii taliye arxan darnaa.

Lakiin madaxweyne Obama wuxuu sheegay in Castro uu doonaayay inuu ballaariyo gacanta saaxiibtinimo ee shacabka Cuba.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban ki-Moon ayaa sheegay in Castro uu lahaa codka xoogga badan ee dacaaladda rayidka.

Dhanka dalalka Shiinaha iyo Ruushka waxay sheegeen inay waayeen saaxiib wanaagsan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300