Published On: Sun, Nov 27th, 2016

5 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe

qarax

Inta la xaqiijiyey 5 qof ayaa ku geeriyooday kuwo kalena wey ku dhaawacmeen kadib  Qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso oo ka dhacay degaanka Sabuun oo hoos yimaada degmada Mahadaay e gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka dhintay 3 ka mid ah ayaa ah Askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in Qaraxu uu ahaa mid xoogan oo saameyn weyn ku yeeshay dadka degaanka , islamarkaana ay jiraan dad badan oo ay soo gaareen dhaawacyo aad u culus. Qarax ayaa la sheegaya in goobta lagu aasay ay fadhiisan jireen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300