Published On: Sun, Nov 27th, 2016

14 ruux oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay dalka Uganda

timthumb-3

Wararka naga soo gaaraya dalka Uganda, ayaa sheegaya in 14 ruux ay ku geeriyootay dagaal ka dhacay dalka Uganda, kaasi oo dhexmaray ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyo daacad u ah nin Boqor ah.

Kooxda Maleeshiyada ayaa weerartay Saldhig Boolis oo ku yaallo Kasese ee galbeedka Uganda.

Ciidamada Booliska oo Saldhiga ku sugnaa ayaa iska caabiyay weerarka ay soo qaadeen Maleeshiyaadka, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare labada dhinac soo kala gaaray.

Sideed ka mid ah Maleeshiyaadka dagaalka soo qaaday ayaa halkaasi ku dhintay, halka sidoo kale Booliska ay ka dhinteen Askar gaareysa 6 ruux.

Magaalada  Kasese waa meesha uu deggan yahay boqorta dhaqanka ee Rwenzururu, Charles Wesley Mumbere.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa malleeshiyadaasi ku eedeeyay inay raadinayaan inay ka go’aan dalka Ugandha.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300