Published On: Sat, Nov 26th, 2016

Soomaali laga siidaayay xabsiyada dalka Masar

masar

Xabsiyada dalka Masar ayaa waxaa laga sii daayay 10 ruux oo Soomaali ah kuwaa soo habeeno ka hor ay xireen ciidanka ammaanka Magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar.

Ciidanka ammaanka ayaa dadkaasi waxa ay kasoo qabtay gudaha Magaalada Qaahira , waxaana ay ku eedeeyeen in ay si sharci daro ah ay ku joogeen dalka Masar.

Dadka laga sii siidaayay Xabsiyada dalka Masar ayaa la sheegaya in qaarkood ay ahaayeen arday wax ka baran jirtay Jaamacadaha dalka Masar.

Dadka  laga siidaayay xabsiyada dalka Masar ayaa waxaa la soo taagtay   Maxkamad ku taalla Qaahira , waxaana lagu waayay danbi.

Ciidamka ammaanka ayaa ku eedeeyay in dadkaasi qaarkood ay isku diyaarinaayeen in ay ka baxaan Magaalada Qaahira , si ay u tahriibaan.

Xabsiyada dalka Masar ayaa waxaa ku xiran dad badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo ciidamada ammaanka ay qabteen, xilli ay isku dayayeen inay ka tahriibaan dalkaasi.

Ciidanka ammaanka dalka Masar ayaa inta badan waxa ay sameeyaan howgallo lagu soo qab qabanaayo dadka sharci darada ku jooga dalka Masar oo ay Soomaalidu ka mid yihiin

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300