Published On: Sat, Nov 26th, 2016

Gudoomiyaha Degaanka Goofgaduud oo beeniyay in uu dhintay

goofgaduud-1-238x178

Ka dib dagaal culus oo dhawaan ka dhacay degaanka Goofgaduud oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in dadkii ku dhintay dagaalkaasi uu ka mid ahaa Gudoomiyaha degaanka Goofgaduud Xuseen Cabdi Wardheere.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in uu dhintay gudoomiyaha degaanka Goofgaduud.

Gudoomiyaha oo la hadlay idaacadda Risaala xafiiskeeda Baydhabo ayaa sheegay in uu nool yahay ,islamarkaana uu ka badbaaday weerar xoogan oo ay kusoo qaadeen Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in ay khaarajiyeen Al-Shabaab.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa sheegay in xaalad nolo xumo midii ugu dambeysay ay haysto dadka kunool degaanka Goofgaduud oo ay dhowr jeer ay ku dagaalameen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Xarakada Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo gargaaraan dadka shacabka ee ku dhibaateysan degaanka Goofgaduud ee gobolka Baay.

Degaanka Goofgaduud oo Magaalada Baydhabo u jira 30 km ayaa muddo dhowr maalmood ah dagaal aan joogsi la heyn waxaa uu ku dhexmaray ciidanka dowladda Soomaaliya ,kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300