Published On: Sat, Nov 26th, 2016

Faahfaahinta iyo Sawirada Qarax Maanta ka dhacay Muqdisho.

qarax1

Qarax geystey qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa manta ka dhacay degmada Waaberi, Magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo sida wararku ay sheegayaan loo adeegsadey gaari waxyaabo qarxa laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay beerta suuqa Afisiyooni oo ku dhow xarunta Afisiyooni.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dhimashada dadka, iyadoo wararku ay sheegayaan in dhimashada ay tahay 10 qofood, halka 15- qof oo kalena uu dhaawac soo gaarey.
Goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa ah suuq aad u saxmad badan.

Qaraxa ayaa ku soo beegmey, xilli goobta uu wax yar ka hor maray madaxweynaha dowlada federaalka oo ka qeyb galayay xarun ay leedahay Jaamacada Ummadda oo la furayay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xarun cusub oo ay furatay Jaamacadda Umada Soomaaliyeed Khudbad ka jeedinaayay ayaa sheegay in la qabtay ninkii ka dambeeyay Qaraxa.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa Asna sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii watay gaariga qarxay, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.
Ilaa iyo Hadda ma jirto cid sheegatey Qaraxan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbineynaa

qarax2 qarax3 qarax4 qarax5

 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300