Published On: Sat, Nov 26th, 2016

Dib u dhac ku yimid doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

michael_keating-2-374x300

Michael Keating Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Mioobey u qaabilsan Soomaaliya  ayaa sheegay inaysan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya aysan ku dhici karin Waqtigii loo qorsheeyay oo ku aadan Arbacada Soo socota.

Michael Keating ayaa tilmaamay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya qiyaas ahaan, ay dhici karto 15-ka bisha soo socoto ee December, islamarkaana dib u dhac balaaran uu ku yimid doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Wakiilka oo Wareysi siiyay Barnaamijka Focus on Africa ee BBC, ayaa sheegay ka hor doorashooyinka labada afhayeen, in loo baahan yahay in la soo doorto tirada ugu badan ee Xildhibaanada Aqalka Hoose. Doorashada Soomaaliya ayaa bilba bisha ka dambeysa dib u sii dhaceysa Waana markii afaraad oo la shaaciyo in dib u dhac uu ku yimid doorashada Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300