Published On: Fri, Nov 25th, 2016

Ciidamo Amisom ah oo Qarax lala eegtey.

15103

Wararka inaga soo gaaraya wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM.

Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana lala beegsaday mid ka mid ah kolonyada Ciidanka AMISOM.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay Qaraxan in si weyn looga maqlay xaafadaha ku dhow goobta uu Qaraxa ka dhacay, sidoo kalena ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah oo marayay wadada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Amniga Dowladda Federaalka ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay Qaraxan ka dhacay wadada Warshadaha.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma xaqiijin karo, khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxan, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Amaanka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300