Published On: Thu, Nov 24th, 2016

Maxaa ka cusub Degaanka Goof-guduud

runirgood-238x178

Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Goof-guduud Shabeelow ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, kadib Dagaal shalay ka dhacay.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidanka Koofur Galbeed oo garab ka heleya kuwa Dowladda iyo Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Dagaalkan waxaa ku geeryootey 10 Qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa xilligii uu dagaalka socday.

Labada dhinac ayaa midba sheeganayaa in ay gacanta ku hayaan Goof-guduud oo dhowr jeer gacan ku haynteedu is-beddeshay.

Wariyaha Risaala ee Gobolka Baay ayaa soo sheegaya in saakay xaaldu ay tahay mid degan, goobihii lagu dagaalayna weli labada dhinac ay isku hor fadhiyaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300