Published On: Thu, Nov 24th, 2016

Khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay Mudug

shabaab-238x178

Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay ilaa xalay waxa uu ka dhacay Degaanada Dumaaye iyo Dabagale oo ka tirsan Degmada Xara-dheere ee Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Dad Degaanka, waxaana uu ahaa mid labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka ay isku dayeen in Dadka Degaanka ay ka qaadaan waxa ay u yaqaanaan Zakawaadka, waxaana arintaasi ka biyo dadka Degaanka.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa isku dayay in ay xoog ku kaxaeystaan xoolo ay leeyihiin Dadka Degaanka, waxaana dadka Degaanka ay bilaabeen in Shabaab ay iska dhiciyaan oo ay Dagaal kala hortagaan.

Inta la xaqiijiyay Dagaalkan waxaa ku geeyootey 7 Qof oo isgu jira dhinacyadii dagaalamay, halka sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah.

Shabaab ayaa in mudo ah waxa ay ku sugan yihiin Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoo inta badan ay soo laab laabtaan Dagaalka u dhaxeeya Shabaab iyo dadka Degaanka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300