Published On: Thu, Nov 24th, 2016

Faah faahin Dilal ka dhacay Hargeysa

afduub-1

Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland xalay waxaa lagu dilay 4 Qof, waxaana dilalkaasi fuliyay kooxo hubeysan.

Dilalkan oo mid ka mid ah uu ka dhacay bartamaha Magaalada Hargeysa ayaa waxaa fuliyay Askari ka tirsan Ciidanka Soomaailand, kaas oo dil u geystay Nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Aadan Faarax.

C/raxmaan Liibaan Fooxle oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gacanta ay ku hayaan rag dilal kala duwan Magaalada Hargeysa uga fuliyay.

Sidoo kale Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Maamulka Soomaaliland C/raxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in ay qabteen Askari ka tirsan Ciidanka Soomaaliland oo dil geystay, sidoo kalena ay wadaan baaritaano dheeraad ah.

Xaalada Magaalada Hargeysa ayaa saakay degan, waxaana Ciidanka Maamulka Soomaaliland ay howlgallo ka wadaan gudaha Magaalada Hargeysa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300