Published On: Wed, Nov 23rd, 2016

Uganda oo xirtay dad Shabaab lagu tuhmaayo

xarakada_al_shabaab_kenya

Ciidanka ammaanka dalka Uganda ayaa xiray dad looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Ka dib howgal ka dhacay xadka u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Uganda ayaa lagu soo qabtay nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi  oo la sheegay in uu gacan saar la leeyahay Al-Shabaab.

Maxamed Cabdi Cali ayaa waxaa xiray xafiiska socdaalka dalka Uganda ee degmada Busia ee ku taalla xadka ay wadaagaan labadal.

Nelson Nahabwe taliyaha bilayska degmada Busia ayaa sheegay in ninkaan computerkiisa ay ka heleen waxyaabo muujinaaya in ninkaasi uu gacan saar la leeyahay xarakada Al-Shabaab.

” Ninkaan ka dib markii aan ka qabanay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Uganda waxaan ka helnay computerkiisa waxyaabo muujinaaya in uu gacan saar wanaagsan la leeyahay shabaab ,marka waxaa uu doonayay in uu tago Kampala ka dib uu kasii aado Koonfur Afrika , hada waxaan u gudbinay maxkamada la dagaalanka Argagixisada ee ku taalla Kampala ” sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka Booliska degmada Busia Nelson Nahabwe.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dadka kale oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan Shabaab oo ay gacanta ku hayaan ,islamarkaana ay saxaafada u soo bandhigi doonaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300