Published On: Wed, Nov 23rd, 2016

Magacyada Xildhibaanada aqalka hoose ee Lagu doortey Maanta Garoowe iyo Jowhar iyo Afar xildhibaan oo la kansalay kuraantooda, dibna….

garo

Waxaa maanta mar kale doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka ka dhacday magaalada Garowe iyadoo lagu doortay saddex xildhibaan.

Xildhibaanada maanta lagu doortay Garowe waxay ahaayeen qaar ka mida kuwii ergada beelaha dooranaya ay ku sugnaayeen magaalada Garowe, iyadoo dhowaan Guddiga Doorashada Puntland uu sheegay inay dhaqaale la’aan u wadin karin Doorashada Aqalka hoose.

Hoos ka Akhriso Xildhibaanada maanta lagu doortay Garowe iyo Beelahooda:

1-Cabdi Maxamuud Maxamed: Beesha Ugaar Saleebaan/Majeerteen

2-Daa’uud Maxamed Cumar Bisinle:  Beesha Bahararsame/Dhulbahante

3-Faysal Cabdulle Guuleed: Beesha Reer Biciidyahan/Majeerteen.

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe maanta waxaa ka dhacday Doorashada wajigii Saddexaad xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Hirshabeelle.

Doorashadan maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku soo baxay Saddex Mudane oo ka mid noqday Baarlamaanka cusub.

Xubnaha maanta la doortaya ayaa waxa ay kala yihiin Cumar Cusmaan Waasuge (Cumar Riinge), Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Farxiyo Muumin Cali.

Maalinta beri ah ayaa sidoo kale la filayaa in Doorashada Aqalka Hoose ay ka sii socoto Magaalada Jowhar, waxaana Doorashada ay tahay mid si habsami leh ku socota.

Dhinaca kale, Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in afar kursi oo xildhibaanadooda lagu doortay magaalada Cadaado dib loogu noqon doono doorashadooda.

Dacwooyin ka yimid odayaasha dhaqanka beelaha leh afartaas kursi iyo musharixiintii laga guuleystay ayaa keenay in beesha caalamka culeys ku saarto dib u eegis lagu sameeyo kuraastaasi oo ay ku soo baxeen xildibaanada kala ah:

C/qaadir Gaafow Maxamuud (Murusade/Foorculus)

Mahad Maxamed Salaad  (H/Gidir-Ceyr)

Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim  (Abgaal-Cali Gaaf)

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow  (Murusade-Fculus)

Warar ku dhow Guddiga Doorashooyinka iyo Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada ayaa lagu wadaa inay dhowaan ku dhawaaqaan go’aan waxba kama jiraan looga dhigayo doorashada kuraas dhowr ah oo ay ugu horeeyaan afartan kursi.

Cadaadis weyn ayaa ka yimid Beesha caalamka oo Mareykanku ugu horeeyo, waxaana xaaladda ay kasii dartay markii Odayaasha beelaha kuraasta la isku heysto ay dacwad u qoreen Guddiga Doorashooyinka iyo Beesha Caalamka iyadoo sheegay in ergadii ay soo xuleen la inqilaabay oo la sameystay ergo been abuur ah.

Xafiis wareedka Markacadeey

Muqdisho, Soomaaliya

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300