Published On: Wed, Nov 23rd, 2016

Dagaal ka soconaya Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay

dagaal-620x330

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa Xalay illaa maanta waxaa uu ka soconayaa Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-shabaab ay Weerar ku soo qaadeen Fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degaanka,waxaana la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Khasaare baaxad leh ayaa la sheegay inuu soo kala gaaray Labada dhinac ee ku dagaalamay Degaanka Goof-gauud.

Sidoo kale waxaa Dhaawacyo ku waxyeeloobay Dagaalka la geeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka,Mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed weli kama hadlin Khasaaraha Dagaalka.

dhanka kale Al-shabaab weli iyaguna wax Tafaasiil ah kama soo saarin dagaalka Xalay ilaa Maanta ka soconaya Degaanka Goof-gaduud.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300