Published On: Wed, Nov 23rd, 2016

Al-Shabaab oo qabsaday Tuulo ku dhow Gaarisa

al-shabaab_3317540b

Wararka ka imanaya tuulada Haluqa oo ka tirsan  degmada Gaarisa ee Kenya ayaa sheegaya in halkaasi ay galeen cutubyo ka tirsan ciidanka ururka Al-Shabaab.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay bam ku tuureen birta telefoonnada ee shirkadda Safaricom taasi oo goysay isgaarsiintii.

War lagu daabacay baraha Al-Shabaab wararka u faafiya ayaa lagu sheegay in ciidankooda ay qabsadeen degaanka Haluuqa , islamarkaana ay  gacanta ku hayaan.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ciidanka Al-Shabaab ay burburiyeen shirkadaha isgaarsiinta ee ku yaalla degaanka.

Al-Shabaab ayaa weerarro is-daba joog ah ka gaysata gudaha dalka Kenya, waxayna weerarradaasi wadeen tan iyo intii dowladda Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300