Published On: Sun, Nov 20th, 2016

Xiisad ka taagan Xarunta doorashada Aqalka Hoose ee Kismaayo

kismaayo11

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maalintii labaad ay hakad ku jirto doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya degaanada maamulka Jubbaland.

Doorashada ayaa waxaa ka taagan muran xoogan oo ah in laga cabsi qabo in lagu shubto kuraasta Qaarkood madaam la sheegaayo in la badelay qaar ka mid ah ergooyinkii ay beeluhu keensadeen.

Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland iyo sidoo kale ciidanka Nabad suggida Jubbaland ayaa lagu soo waramaya in ay ku muran san yihiin sababta loo badelay Ergooyinka.

Madax ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa ku howlan sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay doorashada maamulka Jubbaland .

Goobta ay ka socotay doorashada ayaa la sheegaya in ay ka jiro xiisad ka dhalatay badalis lagu sameeyay qaar ka mid ah Ergooyinka beelaha.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300