Published On: Sat, Nov 19th, 2016

Shir muhiim ah oo lagu qaban doono Hargeysa

hargeysa

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dhawaan Magaalada Hargeysa lagu qaban doono shir heer Caalami ah oo looga hadlaayo maalgashiga degaanada maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay in shirkaasi ay ka qeyb gali doono bulsho ka socota qaar ka mid ah dowladaha Caalamka.

Cumar Shuceyb Maxamuud Wasiirka Ganacsiga maamulka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan shirkaasi uu ka dhaci doono Magaalada Hargeysa.

Sida uu sheegay wasiir Cumar shirkaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee looga hadlaayo Maalgashiga maamulka Somaliland oo lagu qabto Hargeysa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300