Published On: Sat, Nov 19th, 2016

Jubbaland oo digniin u dirtay Hay’adaha Samafalka

coll-darwiish

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay Aqoonsiyada ay kala laaban doonaan Hay’addaha Gar gaarka ee ka howlgala degaanada maamulka Jubbaland hadii aysan wax u qaban dadka laga soo celiyay xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee ku sugan degaanada maamulka Jubbaland.

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Hay’adda Gar gaarka aysan waxba u qaban bulshada kunool degaanada maamulka Jubbaland.

Wasiirka ayaa sheegay in qoondadii dowladaha caalamka ay ugu talagaleen degaanada maamulka Jubbaland in  gacanta loo geliyay dhalinyaro uu sheegay in ay Madax ka yihiin Hay’addo aan hoos imaan maamulka Jubbaland.

Wasiirka ayaa ku hanjabay in ay tilaabo ka qaadi doono Hay’adaha Gar gaarka hadii waxii ay ugu tala galeen dadka barakacayaasha ah aysan gacanta u soo gelin maamulka Jubbaland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300