Published On: Sat, Nov 19th, 2016

Dowladda oo baaq u dirtay dadkii ka barakacay Gaalkacyo

cumar-hambalyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo iney dib ugu soo laabtaan Magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la xaliyay Colaadii ka taagneyd Gaalkacyo, sida uu sheegayna Shacabka loogu baahan yahay iney dib ugu soo laabtaan Magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay Maanta guul u tahay in Magaalada Gaalkacyo laga saaro Ciidankii isku hor fadhiyay ee dagaalka ka dhaxeeya.

Waxa uu sheegay in shacabka ku kala nool deegaanada Galmudug iyo Puntland ay yihiin dad walaalo ah isla markaana aysan habooneyn in mar kale lagu kor dagaalamo.

Shalay ayaa waxaa suurta gashay in lagala qaado Ciidankii isku hor fadhiyay Magaalada Gaalkacyo ka dib dadaalo ay sameeyeen Guddigii ka socday Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Masuuliyiinta uu hor kacaayay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300