Published On: Fri, Nov 18th, 2016

Xukuumada oo faah faahisay Dorashada Aqalka Hoose

carte-2

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa waxa uu ka hadlay halka ay marayaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soo socda.

Waxa uu sheegay in la soo gaba gabeeyay Doorashada Aqalka Sare, sidoo kalena hada ay gaba gabo marayaan Doorashooyinka Aqalka Hoose, isagoo sidoo kale sheegay Bishan dhamaadkeeda in la soo gaba gabeyn doono Doorashada Aqalka Hoose.

Maxamed Cumar Carteh Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in aysan dhibaato dhicin xilliga Doorashooyinka hada ay socdaan.

Hadalkan ayuu ka sheegay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh xilli uu ka qeyb galayay shirka billaha ah ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300