Published On: Fri, Nov 18th, 2016

Wadamada Islaamka oo si wadajir ah u cambaareeyey Xootiyiinta iyo Cali Cabdalla Saalax

haliyeoic20161117_2

Waxaa Magaalada barakeysan ee Makkah Al mukarama maanta lagu qabtey shir deg-deg ah oo ay qabanqaabisey Ururka Isbaheysiga Islaamka.

Shirka waxaa lagaga hadley gantaalkii Xowtiyiinta yemen ay ku soo tuureen magaalada barakeysan ee Makkah Almukarama. Arintaasi oo ay si weyn ugu caroodeen Muslimiinta ku nool aduunweynaha.

Wafdi oo uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliya Mudane Cabdusalam Hadliye Cumar ayaa shirkaasi ka soo qeyb galey.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Mudane Daahir Maxamuud Geele iyo Mudane Salim Macow Xaaji oo ah ku-xigeenka safiirka.

Wasiir Hadliye ayaa shirka ka jeediyey khudbad oo uu si weyn ugu cambaareeyey Xuutiyiinta Yemen gantaalkii ay ku tuureen Magaalada barakeysan ee Makkah, wuxuuna hoosta ka xariiqey in dowlada iyo shacabka Somaaliyeed ay diyaar u yihiin iney daafacaan Kacbada barakeysan.

Dhamaan madaxdii ka soo qey gashey ayaa si wadajir ah u cambaareeyeen Xootijyiinta iyo Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Shirka waxaa lagu doortey mudane Yusuf Axmed Cuteymiin inuu noqdo Xoghaya Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

haliyeoic20161117_1 salimoic20161117_1

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300