Published On: Fri, Nov 18th, 2016

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan oo Donald Trump la kulmay

trumpa_abe

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe, ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay dunida ee la kulmo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump.

Wuxuu sheegay Mr Abe inuu aaminsan yahay in xiriir is aaminaad leh uu la yeelan karo Trump.

Shinzo Abe ayaa jawiga kullanka oo ka dhacay dhismaha Trump ee ku yaalla New York ku micneeyay mid aad u diirranaa.

Donald Trump ka muusan qeybgalin shirka jaraa’id ee uu qabtay ra’iisul wasaaraha dalka Japan.

Fasax dhanka maamuuska ah aawadii, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka kumeysan lug yeelanin qabanqaabinta kullankaasi.

Donald Trump, ololihiisii doorashada intuu ku jiray wuxuu Japan iyo dalalka kale ee Aasiya ku booriyay inay dhaqaale ku bixiyaan militariga Mareykanka.

Sidoo kale diidmadiisa dhanka ganacsiga Trans-Pacific ayaa waxay sii hurisay walaaca Aasiya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300