Published On: Fri, Nov 18th, 2016

Qaxootiga Dhadhaab oo ka hadlay go’aanka Kenya

dhadhaab

Qaxootiga ku nool xarayaha Dhadhaab ayaa soo dhaweeyay go’aanka wasarada arrimha gudaha dalka Kenya ay mudo lix bilod ah dib ugu dhigtay in 30-ka bishan November ay albaabada u xirto xaryaha Dhadhaab.

Kulamo ay ay isugu yimaadeen hogaamiyaasha Qaxootiga ayaa waxa ay soo dhoweynta ka sokow ay dowladda kenya ka codsadeen in 3 sano looga dhigo go’aanka xiritaanka xerada Dhadhaab.

Waxa ay sheegeen 6 bil in aysan meel dheer jirin oo aysan ku  filneyn, waxaana ay Kenya ka codsadeen waqtiga in loo kordhiyo si ay u sii diyaar sadaan goobihii ay u guuri lahaayeen.

Sidoo kale Qaxootiga Dhadhaab ayaa waxa ay sheegeen in si weyn ay ula qabsadeen xeryaha Dhadhaab, ayna aad ugu adag tahay in ay ka guuraan, maadaama caruurtooda ay ku koreen Dhadhaab, sidoo kalena ay ku wax barteen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300