Published On: Fri, Nov 18th, 2016

Kala qaadista Ciidanka Gaalkacyo oo la siku fahmi la’ yahay

gaalkacyo-3

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku fahmi la’ kala qaadista Ciidanka isku hor fadhiya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku fahmi la’ qaabka loo kala qaadayo Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana labada dhinac ay soo jeediyeen arragtiyo Ciidanka lagu kala qaadayo.

Guddiyada labada dhinac ee loo xilsaaray in ay dhameysiraan heshiiskii Gaalkacyo ayaa sheegay in aysan awood u laheyn in ay kala qaadaan Ciidamada labada dhinac.

Waxgaradka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uusan raali ka aheyn in la kala qaado Ciidanka ku dagaalamay Gaalkacyo, sidoo kalena hada is hor fadhiya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300