Published On: Thu, Nov 17th, 2016

Xaalada Caabud-waaq

dagaal-beeleed

Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud oo shalay ay ka dhaceen Dagaal beeleedyo ayaa saakay xaaladeeda waxa ay tahay mid degan.

Dagaal beeleedka ka dhacay Magaalada Caabud-waaq ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega, waxaana Dagaalkooda uu salka ku hayaa Aanooyin qabiil iyo xiisado maalmahan Degmada ka taagnaa.

Inta la xaqiijiyay Dagaalka ka dhacay Caabud-waaq ayaa waxaa ku dhimatay 5 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Dhinacyadii Dagaalamay ayaa weli waxa ay isku horfadhiyaan goobihii lagu dagaalamay, waxaana Dadka Deegaanka ay ka cabsi qabaan in mar kale halkaasi uu ka bilowdo Dagaal.

Wariyaha Risaala ee Gobolka Galgaduud ayaa soo sheegaya in saakay xaaladu ay tahay mid degan, sidoo kalena Waxgaradka Gobolka ay wadaan dadaalo lagu xalinayo colaada ka taagan Caabud-waaq.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300