Published On: Thu, Nov 17th, 2016

Taliye ku xigeen cusub oo loo soo magacaabay AMISOM

james

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa magacaabay Taliye ku xigeenka cusub ee Ciidanka AMISOM ee Howlgalka u jooga Soomaaliya, kadib markii uu geeryoodey taliyihii booskaasi ka shaqeynayay.

Taliye ku xigeenka cusub ee Ciidanka AMISOM ayaa waxaa loo magacaabay Gen James Nakibus Lakara, waxaana uu shaqada ka bedelay Gen Julius Facki Oketta, kaasi oo Labo todobaad ka hor u geeryoodey xanuun dhinaca wadnaha ah.

Taliye ku xigeenka cusub ee loo soo magacaabay Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa horey Ciidanka Uganda ugu tababari jiray xero ku taalla magaalada Mbarara.

Madaxweynaha Dalka Uganda ayaa bogaadiyay Taliyaha cusub ee uu soo magacaabay, isagoo sidoo kale ugu baaqay in uu dar dar geliyo shaqada Ciidanka AMISOM gaar ahaan Ciidanka Uganda.

“Waxaan Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda u soo magacownay Taliye ku xigeen, si uu u bedelo shaqadii uu ka geeryoodey Gen Julius Facki Oketta oo baaskaasi ka shaqeyn jiray, waxaana ku bogaadinayaa Gen James Nakibus Lakara in shaqada halkeeda uu ka sii wado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni.

In ka badan 6,000 oo Askari oo u dhalatay dalka Uganda ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo Soomaaliya ku sugnaa tan iyo sannadkii 2007-dii.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300