Published On: Thu, Nov 17th, 2016

Howlgal ka dhacay X/Jajab

holgal
Degmada Xamar Jajab xalay waxaa ka dhacay Howlgal ay fuliyeen Ciidanka Amaanka, kadib markii Labo Bambo gacmeed lagu tuuray Guri ay isugu imaan jireen Dhalinyaro aad u fara badan, sidoo kalena uu deganaa Askari oo Boolis ah.

Howlgalkan ayay Ciidanka Amaanka waxa ay ka sameeyeen xaafadaha Degmada Xamar Jajab gaar ahaan goobta Bambo gacmeedka lagu weeraray.

Howlgalka oo mudo saacado ah qaatay ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qab qabtay dad tiradooda ay kor u dhaafeyso 15 Qof oo ay soo qabteen Ciidanka Amaanka.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay Dadkii Howlgalka lagu soo qab qabtay in Ciidanka Amaanka ay ula dhaqaaqeen xarumaha ay baaritaanada ku sameeyeen, si halkaasi loogu soo kala saaro.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300