Published On: Thu, Nov 17th, 2016

Dowladda oo ka hadashay hakinta Qaxootiga Dhadhaab

astaanta-qaranka

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay hakinta Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab muddo lix bilood ah.

Kulan ay wada qaateen Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Joseph Nkaissery , Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha Qaxootiga.

Wasiirka Kenya u qaabilsan arrimaha gudaha Joseph Nkaissery ayaa sheegay Kenya in aysan qasab ku celineyn Qaxootiga ku jira Dhadhaab, sidoo kalena ay mar walba ku dadaasho sidii ay gacan u siin laheyd Qaxootiga.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan mudada Lixda bilood ee Dowladda Kenya ay waqtiga ugu kordhisay Qaxootiga Dhadhaab, isagoo sidoo kale sheegay in Kenya ay kala hadli doonaan arrimo kale oo la xiriira Qaxootiga.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa isna dhnakiisa waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalka ka soo yeeray Dowladda Kenya ee ku aadan in ay waqti kordhin u sameysay Qaxootiga Dhadhaab.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay Qaxootiga ku jira Dhadhaab in la rari doono dhamaadka Bishan November.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300