Published On: Thu, Nov 17th, 2016

AMISOM oo ka hadashay Howlgalada ka socda Sh/Dhexe

amisom3

Ciidanka Midowga Afrika ee Howlgalka u jooga Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadleen Howlgalada Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan Degaanada Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay la wareegida Ciidanka Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM tuulada Miir-taqwe oo hoostagta Degmada Mahadaay.

Waxa uu sheegay in arintaasi ay tahay mid kor u qaadeysa Howlgalada Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Waxaa wax lagu farxo ah Howlgalada Ciidamada iskaashanaya ay kula wareegeen Tuulada Miir-taqwe ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sidoo kale way sii socon doonaan Howlgalada ka dhanka ah Shabaab” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidanka Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa Talaadadii Dagaal la’aan Shabaab kala wareegay Tuulada Miir-taqwe.

Tuulada Miir-taqwe ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay ka mid tahay tuulooyinka hoos yimaada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300